Taliye ku xigeenka cusub u qaabilsan Taageerada iyo Saadka Hawlgalka Ku meel gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Major General Peter Kimani Muteti, ayaa xilka la wareegay waxa uuna bedelay Maj. Gen. Gerbi Regassa Kebede, oo soo gabagabeeyay socdaalkiisa shaqo ee Soomaaliya.
Maj. Gen. Muteti, Taliye ku xigeenka cusub ee Hawlgalka Ku meel gaarka ah Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana soo dhaweeyay Saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada ATMIS, oo uu hogaaminayo Taliyaha ciidamada ATMIS, Sarreeye Guuto General Teggegn Kindu Gezu.
Taliyaha cusub ayaa Markii uu yimid Muqdisho waxa uu kormeer ku tagey xeryaha ay ku suganyihiin ciidanka ATMIS gaar ahaan kuwa Uganda oo ku sugnaa xerada.
Major General Peter Kimani Muteti Taliye ku xigeenka cusub u qaabilsan Taageerada iyo Saadka Hawlgalka Ku meel gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya(ATMIS), ayaa waxa uu haystaa khibrad shaqo oo ku siman muddo 37 sano isagoona ka mid ahaa Ciidanka Difaaca dalka Kenya ee (KDF), oo uu xilal kala duwan ka soo qabtay.
Hawlgalka Ku meel gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa qeyb ka ah dadaallada loogu jiro sidii ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay guud ahaan Amniga ula wareegi lahaayeen Ciidanka ATMIS oo in ka badan 15 sano ay ku sugan yihiin gudaha Dalka, waxaana la filayaa in dhammaadka 2024 ay ka baxaan Dalka.