Taliye K/X Booliska iyo xafiiska RW-kheeyre oo Qarinaya Askari Dil Bareer Geystay

Reading Time: 2 minutes

Allaha U Naxariistee Maslax Axmed Cabdi Jimcaalle (Maslax Garaso) Waxaa uu ahaa Nin kamid ah Dhalinyarada soomaaliyeed ee Ku Shaqeysta Mooto bajaajta Maslax Hooyadiis iyo aabihiis Madi ayuu ku ahaay.

Maslax 9:00 subaxnimo ayuu ku geeriyooday isgoska Howl-wadaag ee Magaalada muqdisho Waxaana Dilay Askari ka tirsan Ciidanka Police ka kaas oo lagu magacaabo Maxamed Cali (Butacoow) waxaana uu Darawal u ahaay Taliye ku xigeenka labaad ee police ka S/Guuto Sakia Hussein Ahmed.

Maslax Geeridiisa ka Hor ma jirin wax muran ah oo Soo kala dhexgalay asiga iyo Gacanku dhiiglaha Dilka geystay. Sakia Hussain Ahmed oo uu hoostago Ninka Dilka geystay 2:30 Galabnimo waxay sheegtay in Ninka la haayo lkn aan lagu soo wareejineynin Hay,ada Dambi Baarista Ee CID Mana Sababeyn.

Waxay noqotay caado in dawladda ay ciidankeedu iyo darawaladeedu ay shacbiga u dilaan sidey doonaan iyagoo og inay madaxdooda ka dambeyso fal dambiyeed kasta oo ay geystaan, lana qarinayo sida kan oo kale. Waxaan dowladda iyo dowladda qaraabadeeda ahayn waa looma ooyaan dalka gaar ahaan Xamar. Arrintaan waxay la mid tahay dilkii wasiir siraaji oo aan wali xal laga gaarin.

Ehelada Maslax ayaa Dacwad u Gudbiyay Xafiiska Raiisal Wasaare Khayre ayagoona u sheegay in ay ka meermeerayaan Sharciga Sakia iyo Farxaan Qaroole taas oo ku aadan in dambiilihii lagu haayo Meel aan aheyn Xurumaha Dowlada oo lagu Qarinaayo si loo dhaho Waa baxsaday, Sakia ayaan booqan Goobta uu yaalo meydka Kana Tacsiyadeeyn Geerida Maslax Garaase.

Dilalka Bajaajleyda ayaa sara u kacay tan iyo markii leysku daray Ciidankii Nabadsugida iyo Boliiska, waayo ciidankaan ayaa ah ciidan dil u tababaran waana la ogaa in boliiska uu magaca ka dhiman doono, noqonna doon tuke cambaar leh markii la soo daray NISA iyo kuwi xasilinta.

Taliye ku xigeenka  Sakaiya ayaa laaga raabaa inay soo gacan geliso askarigeeda wax dilay haddii kale dilka ayaa waxaa looga qaadanyaa inay iyadu raad ku lahayd oo ay kacabsaneyso inuu hadlo askarigaan haddii la wareysto.

Sidoo kalana waxaa ceeb, naxadin, nasiibxumo ah in R/Wasaaraha ku dhex jiro dhiiqa walba. Shalay ayey ahayd markii lagu eedeynayey laba habeen ah oo isku beel ah inuu dhexgalay oo uu mid tan kale uga hiilliyey. Kheyre maaha mas’uul qaran ee waa mooryaan ficiltan qabiil iyo mid shakhsiyadeed uu hogaamiyo. Waana ayaan darroweyn oo qarankaan ku habsatay markii Farmajo madaxweyne u noqday, Kheyrana RW. Allow naga bixi.

 

https://youtu.be/ftuYiKjUFtQ

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!