Sida ay sheegayaan Wararka naga soogaraya gobolka Sool sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Somaliland uu ka soo goostay ciidanka Somaliland. Sareeyo guuto Saleebaan Bare Geesood ayaa ah sarakaal magaca weyn ku leh ciidanka Somaliland waxa uuna ka soojeeda beelaha dega SSC

Sarkaalkan ayaa la sheeagyaa inuu ku xigeen u ahaan taliye Nuux Taani oo ah taliya guud ee ciidanka Somaliland. Goosashada sarkaalkaan ayaa kusoo beegsamaysa iyadoo bilihii u danbeeyey ay Somaliland kasoo goosanayeen saraakiil ciidan iyo gaadid kuwaasi oo kamid noqonaya ciidanka SSC.
Sareeyo guuto Saleebaan Bare Geesood ayaa noqonaya sarkaalkii ugu darajada sareeya saraakiisha kasoo jeeda SSC ee ka tirsan ciidanka Somalialnd. Dowlada Somaliland ayaanan wali ka hadlin goosashada Sarakaalkaan.