Taliye K/igeenkii Ciidanka Badda Gobolka Awdal, Somaliland oo la dilay

Reading Time: < 1 minute

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil uu askari ka tirsan ciidanka Somaliland u geystay sarkaal ka tirsan ciidanka Badda Somaliland oo lagu magacaabo Khadar Xabeeb Ceynaanshe.

Dilka oo ka dhacay magaalada Lawyacaddo ayaa la sheegay inuu ka dmabeeyay kadib muran soo kala dhex galay askariga wax dilay iyo sarkaalka, iyadoo meydka marxuumka la geeyay magaalada Boorama.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in laamaha amaanka gobolka Awdal ay gacanta ku dhigeen askarigan dilka geystay oo ka tirsan ciidanka badda saldhigga Seylac, iyadoo haatan ay socoto baarista kiiskan.

Dad weyne ka gadooday dilka sarkaalkan ayaa sameeyay banaanbaxyo waaweyn, iyagoo xirtay Wadooyinka Booramo, waxa ay dalbanayeen in cadaalada la horgeeyo gacan ku dhiiglaha, iyagoo ku goodiyay ineysan bananabaxa joojin doonin ilaa tiirka laga geeyo askariga dilka geystay.

Majirto wali wax war ah oo ay dhacdadan kasoo saareen madaxda Somaliland iyo saraakiisha ciidamada, waxaana laga cabsi qabaa in xiisada kiiskan ay cirka sii gasho oo xaalada ay kasii adkaato sida ay hadda tahay.