Taliye Indha-qarshe Askari Geeryooday Xaquuq uma haayo”(Banaanbax culus oo dhacay)

Reading Time: < 1 minute

Boqolaal ruux oo u badan haween islamarkaana ay ku jiraan dad Da’ah ayaa waxaa ay maanta iskugu soo baxeen dhowr dariiq iyagoo ka cabanaayay xaquuq ay lahaayeen oo la doodsiiyay.

Dadkaan oo ah ehelada Askar ku geeryootay Difaaca qaranka ayaa waxaa ay warbaahinta u sheegeen in awood loo sheegtay islamarkaana rasaas nool-nool lagu riday waxaana amarkaas bixiyay Taliye Indha-qarshe.

Waxaa sidoo kale Carabka ay ku dhufteen in Taliye indhaqarshe uu u sheegay in uusan xaquuq ku laheeyn askari geeryooday.

”Askar geeryoooday wax xaquuq ah uma haayo ayuu nagu yiri,lix bil ma helin waxii aan laheeyn awood ayuuna hada noo sheegtay”Sidaas waxaa tiri mid ka mid ah dadkii banaanbaxa dhigaayay

Su’aasha isweeydiinta mudan ayaa waxaa ay tahay hadii askartii geeryootay caruurtooda aysan laheeyn xaquuq kuwii difaaci ku maqnaa aan lasiin mushaarkooda,sidee Al-shabaab la iskaga celinayaa