Taliye cusub oo loo magacaabay saldhigga booliska magaalada Beledweyne

Reading Time: < 1 minute

L/X Bishaar Xuseen Jimcaale oo ah taliyaha cusub ee saldhigga booliska magaalada Beledweyn ayaa maanta xilka la wareegay, iyadoo munaasabadda xil wareejinta ay joogeen mas’uuliyiin heer gobol ah iyo saraakiil ciidan.

Sarkaalkan wuxuu bedelay taliyihii Booliska Beledweyne Maxamed Xuseen Maxamuud Duur-dage oo lagu dilay israsaaseyn ka dhacday Magaalada Beledweyne 17-kii Bishii Febaraayo ee sanadkan 2022, taasoo u dhexeysay ciidamo Haramcad ah oo laga qaaday Muqdisho iyo booliska gobolka.

Cali jeyte Cismaan oo ah Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa kula dardaarmay Taliyaha cusub inuu sii xoojiyo Wajibaadkii Shaqo eeuu u hayay Taliyahii hore ee saldhiga allah Unaxariistee Maxamed Maxamuud Duurdage, isaga oo xusay inuu ahaa sarkaal qiimo Badan oo Shaqo wanaag ku suntanaa.

Waxa uu Bogaadiyey Ciidanka Booliska Degmada Beledweyne Dadaalka ay ku sugayaan Nabad galyada magaalada Beledweyne, isaga oo alle uga baryay Taliyaha cusub in u fududeeyo Mas’uuliyada qaran ee loo igmaday, sidoo kalena uu kula dardaarmay  ilaalinta sharciga maadaama Booliska uu yahay isha Sharciga iyo Nabadgalyada.