Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa xilka qaadis ku sameeyay taliyihii ciidanka Booliska Soomaaliya, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).
Golaha wasiirada ayaa sidoo lale Ganaraal Sulub Axmed Firin u magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Sulub ayaa horay u ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka, wuxuuna ka soo jeeda deegaan ahaan Jubbaland.
Kulankan muhiimka ah ee isbeddalka loogu sameeyay taliska booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa guddoomiyay a’iisul wasaare Xamza, waxaana inta badan goobjoog ahaa xubnaha Golaha.
Xilka qaadista Xijaar ayaa ku soo aaday, xilli magaalada Muqdisho ay ku jirto xaalad ammaan darro, kadib markii ay kordheen weerarada qaraxyada ah iyo dilalka kala duwan ee ka dhacaya gudaha caasimadda.
Al-Shabaab ayaa culeys xoogan soo saartay Muqdisho, waxayna todobaadkan oo kaliya ay laba weerar ka fulisay caasimadda, waxaana mid kamid ah lagu beegsaday xarunta gobolka Banaadir, halka kan kalena oo ah hoobiye lagu garaacay agagaarka Xarunta Madaxtooyada