Taliye Bog-Madoow oo fariin udiray Maamulka Jubbaland

Reading Time: < 1 minute

Taliyaha Qaybta 43-aad ee dhawaan dowladda Soomaaliya ay u magacaawday Deegaanada Jubbaland General Cali Maxamed Maxamuud ( Bog-madoow ) ayaa si faah-faahsan uga hadlay sababtii keentay in ciidamo ka tirsan Nabad-sugidda Jubbaland ay ka celiyaan garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo halkaas oo jimcihii loo diiday inuu ka dago.

Waxaa uu sheegay in falkaas ay kula dhaqaaqeen ciidankaasi uu yahay mid ka hor imaanaya dowladnimada dalka ka hana qaadday uuna ka xunyahay sida ay wax u dhaceen.

“Falka dhacay maahan wax ku haboon dowladnimada Aniga iyo Saraakiil kale oo ila socotay markii ay garoonka caga dhigatay diyaaraddii na wadday intaanan ka dagin waxaa noo yimid labaatan wiil oo askar ah oo aysan la socon wax masuuliyiin,waxayna noo sheegeen in aanan ka dagi Karin diyaaradda anaguna sidii ayaan yeelnay oo Garbahaarrey ayaan u duulnay,waxaana kuu sheegayaa in bartilmaameedku uu aniga ahaa” ayuu yiri Taliye Cali Bog-madoow.

Taliyaha ayaa sheegay in uusan ogeyn cidda bixisay amarka lagu hor istaagay dowladda Soomaaliya oo magacaawday iyo Maamulka Jubbaland wax masuuliyiin ah oo ka tirsan ayuu sheegay inaysan wali kala hadlin arinta garoonka loogu geystay,kadibna uu safarkiisa u weeciyey deegaanada dhaca Gobolka Gedo halkaasna uu kusii shaqeynayo oo xarunta taliska ee Kismaayo loo wareejinayo.