Taliyayaashii hore Ee Ciidamada Xoogga “Farmaajo Al-shabaab ayaa madaxtooyadda kuu ku soo Gali hadii Aadna sameeyn isbedel

Reading Time: < 1 minute

Xog aynu helnay aaya sheegeysa In kulan gaar ah ay wada qaateen Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Framaayo iyo Taliyayaal hore iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xooga Dalka inuu ka dhacay Madaxtoiyada Soomaaliya.

Taliyayaashii kulanka la yeeshay Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka mid ahaa Cali caraaye cosoble, Gacma-dulle, Carfiiid Cali, baashi Iyo waliba Saraakill kale oo ka tirsan ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyayaashan iyo Sraakiisha la kulmay Farmaajo ayaa usheegay in dalka uu galayo xaalad dagaal loona baahn yahay in si wadajir ah looga baaran dago sidii wax looga qaban lahaa.

Sidookale Masuuliyiintan oo inbadan soo hugaaminayay Ciidamada Xooga Dalka ayaa Farmaajo u sheegay in Hadiii uusan isbedel amni la imaanin inay shabaabka aya Madaxtooyada ugu imaan doonaan.

Kulankan dhexmaray Madaxweye Farmaajo iyo Taliyayaashii hore ee Ciidamada Xooga oo qeyb ka ahaayen Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka hugaamiyo ayaa ku soo aadaya xili dhawaan xubno ka tirsan Maleeshiyadka Shabaab ay werar qasaaro dhaliyaya ku qaadeyn Madaxtooyada Soomaaliya iyo Taliska looga aramiyo Ciidamada NISA ee Habar Qadajiiyo.