Waxa shalay kulan ay soo abaabushay Villa Soomaaliya ku yeeshay Wasaaradda Gaashaandhiga Taliyayaasha ciidamada kala duwan ee qaranka. Kulanka ka dib ayaa taliyayaasha waxa ay sawir isaga qaadeen goobtii uu shirka ku dhacay.
Shirka waxa aan marnaba laga wargalin qabashadiisa wasaaradaha ay hoosyimaadaan ciidanka kala duwan ee la shaqeysta Ra’iisal Wasaaraha Xilgaarsiinta. Talaabaada ay shalay qaadeen ciidanka ayaa ujeedadiisu ahayd mid isugu jira dhoolatus iyo digniin loo diraayay Rooble iyo golahiisa Wasiiradda.
Waxaa nasiib xumo weyn ah in Ra’iisal Wasaarihii dalka lagu soo koobo xafiiskiisa isaga oo aan amar siin karin hay’adihii amniga dalka? Waxaa kalo iyada ayaan daro ah in wasiiradiisa ay mamnuuc ka yihiin in ay booqdaan xarumaha ciidankii hoos imaanayay wasaaradahooda.
Kulankii shalay waxa uu sidoo kale fartiin u dirayay Midowga Musharaxiinta kuwaas oo qorshaynay in ay qabtaan mudaaharaadyo looga soo horjeedo Farmaajo.