Taliyahii Saldhig Booliska Dayniile oo la Xiray ka dib Dagaal dhex-maray??

Reading Time: < 1 minute

Ciidamo ka tirsan Booliska gobolka Banaadir ayaa xabsiga dhigay Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Dayniile ,kaasoo maalin ka hor shaqo joojin  lagu sameeyay.

Taliyaha Saldhigga degmada Dayniile ayaa loo heystaa weerar lagu qaaday 1-dii Bishaan degaanka Garasbaaley oo la sheegay in Ciidanka weerarkaasi qaaday uu hoggaaminaayay Taliyaha.

Ciidan uu watay Taliyaha ayaa rasaas ku furay goob dhismo wado jaay ah uu ka socday oo ka tirsan deegaanka Garasbaaley, waxaa ku dhintay hal askari, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay askari kale.

Taliyaha qeybta galbeed ahna afhayeenka booliska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble iyo kuxigeenkiisa ayaa waxa ay gaareen goobta ay wax ka dhaceen, Waxaana la sheegay in ugu dambeyntii in ay Amreen xariga Taliyaha Ciidamada Booliska Saldhigga degmada Dayniile.