Taliye Xusseen oo ka Tegaya Hogaanka NISA Si uu ugu Dhawaaqo Musharaxnimadiisa K/galbeed'(Yaa Gadaal ka Riixaya)

Reading Time: < 1 minute

Warar hoose oo ay heshay MUQDISHO ONLINE ayaa waxaa ay sheegaayaan  in Taliyaha Ciidamadda Hay’adda Nabad  iyo Sirdoonka Qaranka  Xusseen  Cusmaan Xusseen  lagu wado in uu xilka ka tago oo uu iscasilo.

Sida aan wararka ku heleeyno Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa la filayaa inuu isku sharxo xilka madaxweynaha maamullka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, oo doorashadiisa ay dhici doonto bisha soo socota,taasi oo ay hada u taagan yihiin Musharaxiin badan

Madaaxweyne Maxamed C/laahi farmaajo ayaa lagusoo waramayaa in loo gudbiyay warqadiisa is casilaada sidoo kale waxaa la sheegayaa in Saraakiisha NISA inuu la wadaagay inuu is casili doono,sida ay Saraakiishu inoo sheegeen.

Waxaa la rumeeysan yahay  in is-casilaadda taliyaha ay ku lug leedahay xukuumadda Soomaaliya ay isku dayeysa inay Shariif Xasan ka horgeyso musharax adag, oo xilka kala wareegi kara,taasi oo Culeeys ku noqon karta

Dhawaan ayuu gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka bay waxaana hada soo baxaya in sababahii Muqtaar Rooboow Culeeyska loo saaray xitaa ay tani qeeyb ka aheed.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!