Sida ay sheegayaan Wararka ay MUQDISHO ONLINE ka heleeyso Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay,waxaa halkaasi kulan albaabadu u xiran yihiin ku leh musharax Muqtaar Rooboow Cali iyo Taliyaha Hya’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka.
Xuseen Cismaan Xuseen Taliyaha NISA oo sida la rumeeysan yahay Baydhabo u tagay xal-gaarista arinta muranka dhalisay ee hors-istaagista Muqtaar Rooboow ayeey wararku sheegayaan in uu ku qancinaayo in uu Tanasulo.
Kullanka oo ah Mid Al-baabadu u xiran yihiin ayaa lagusoo waramayaa in aysan jirin cid ku wehlineeysa waxaana uu hada qaadanayaa dhowr-saacadood,saxaafada iyo xitaa saraakiisha ayaa dibad-joog ka ah
MUQDISHO. ONLINE ayaa waxaa loo xaqiijiyay in Muqtaar Rooboow Iyo Xuseen Cismaan Xuseen Taliyaha NISA ay warkooda kula laaban doonan Villa Soomaaliya
Waxaa kulanka diirada lagu saarayaa waxa laga yeelayo Musharaxnimada Roobow iyo War Saxaafadeedkii maalin ka hor ka soo baxay Wasaarada amniga Somalia oo arintaas ka hor timid.
Muqtaar Rooboow ayaa wali ku adkeeysanaya Musharaxnimadiisa,waxaana wasaaradda amniga warkeeda uu kasoo qaaday waxba kama jiraan