Taliyaha Hoggaanka Caafimaadka NISA Oo La Xiray

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa xalay waxa ay xabsiga dhigeen Taliyaha Hoggaanka caafimaadka ee hay’addaasi.

Dr. Xasan Axmed Maxamed Gacal ayaa la xiray kadib markii shalay uu gaarigiisa ku qarxay bannaanka hore guri uu ka deggan yahay magaalada Muqdisho, isaga oo ka badbaaday qaraxaasi.

Ehlada Gacal ayaa sheegay  in qaabka loo xiray aan ahayn mid uu mudnaa, islamarkaana loo diidey ehelkiisa iney ogaadaan halka la geeyey.

Laamaha ammaanka weli kama aanay hadal xarigga Dr. Gacal iyo sababaha ka dambeeya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco halkan

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!