Taliyaha Guutada 5aad ee CXDS. Col Mohamud oo xilka lagu wareejiyay

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Baladweyne ee xarunta  Gobolka Hiiraan ayaa maanta waxaa ka dhacday Xilwareejinta Guutadda 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xooga ee gobolka Hiiraan, waxaana Munaasabadda xilwareejinta kasoo qayb galay Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan  iyo Saraakiil kale.

Taliyaha Cusub ee Gutadda 5-aad qeybta 27-aad ee Gobolka Hiiraan ayaa ayaa loo magacaabay Col. maxamuud xasan Ibrahim, waxaana xilkaas uu kala wareegay Taliyihii hore Farax Kooshin oo ahaa Taliyaha Gutadda 5-aad qeybta 27-aad ee Gobolkaas.

Dhanka kale waxaa isna Xilka la wareegay taliye ku xigeenka guutadda 5-aad qeybta 27-aad ee gobolka Hiiraan abdulahi barre Elmi oo beddelay Gashanle Sare Maxamed Cabdi xasan Jeeri, waxaana munaasabadda xil wareejinta ku sugnaa Saraakiil ka tirsan Ciidanka Jabuuti ee qaybta ka ah Howl galka AMISOM.