Taliyaha Ciidanka Xoogga Oo Amar Dul-Dhigay Ciidamo Ku Sugan Galmudug

Reading Time: < 1 minute

Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage oo dhawaan socdaal ku gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug ayaa amar Culus dul-dhigay  Saraakiisha Ciidanka Xooga iyo Askarta Milateriga ee joogta deegaanada Galmudug.

Taliye Odawaa ayaa Askarta Milateriga dowladda gaar ahaan kuwa qeybta 21-aad ee ku sugan Dhuusamareeb iyo deegaanada kale ku amray in ay tagaan furimaha hore ee dagaalka, si Al-shabaab looga saaro deegaanada ay halkaas kaga sugan yihiin.

Waxaa uu sheegay Taliye Odawaa in Ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka looga baahan yahay inay ka qeyb qaatan dagaalka ka dhan ah Al-shabaab ee ka socda deegaano ka tirsan Gobolka Galmudug.

Ciidanka qeybta 21-aad iyo kuwa Galmudug ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgalo ka waday deegaano dhowr ah oo hoostega Magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo la sheegay in lagu arkay xubno ka tirsan Al-shabaab, waxaana dhinacyada dagaal xoogan oo geystay khasaaro kala duwan.

Al-shabaab ayaa qaraxyo miino nooca dhulka lagu aaso ah mararka qaarkood Ciidanka dowladda Federaalka kula eegta deegaano ka tirsan Galmudug, iyadoo dhawaan qarax lala eegtay gaari ay la socdeen Ciidanka 21-aadka uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.