Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Odowaa oo sheegay in Al Shabaab jab gaaray

Reading Time: < 1 minute

150-ka tirsan Maleeshiyada khawaariijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalena waa lagu dhaawacay deegaan qiyaastii 30-KM dhanka Bari kaga beegan degmada Aadan Yabaal iyo Masjidka Cali Guduud ee gobolka Sh/dhexe, howlgalo ciidan oo socday muddo todobaad ah sida uu Warbaahinta qaranka u xaqiijiyey Taliyaha Ciidanka Xoogga Dal Generaal Odowaa Yuusuf Raage.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Al-Shabaab ay jab weyn ku gaarsiiyeen howlgalka, isagoo sheegay in argagixisadu ay u maleeyeen in ay ku baxsan doonaan dhulka howdka ah ee gobolka balse looga daba tegay.

“Waxaan ku dilnay in ka badan 150 ka tirsan Al-Shabaab intii uu socday howlgalka toddobaadkan, waxaan ku dilnay meel 30 km bari ka xigta magaalada Aadan Yabaal 50 ka mid ah argagixisada, in ka badan 100 kalena waxaan ku dilnay agagaarka Masjidka Cali Guduud ee isla gobolka, ciidamada XDS oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa xoojiyay la dagaalanka argagixisada. ayuu yiri Taliyaha Xoogga.

Ciidamada XDS oo kaashanaya kuwa deegaanka ee Macawisley ayaa afartii bilood ee la soo dhaafay Al-Shabaab ka saaray deegaano badan oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.