Taliyaha Ciidanka Uganda oo fartiin canaan ah loogu soo dhiibay Farmaajo

Reading Time: < 1 minute
Taliyaha Ciidamada lugta  ee dalka Uganda Lt. General Muhoozi Kainerugaba iyo Saraakiil ciidan uu hoggaaminayo ayaa maanta  soo gaaray magalaada Muqadishu. Safarkooda ayaa lagu sheegay in uu la xiriiro arimo la xiriira Amniga iyo adeega ciidamada AMISOM.
Taliye Lt. General Muhooziayaa ayaa la filayaa in kulamo gaar gaar ah la yeesho Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble. Ilo Muhim ah ayaa u sheegay MOL in Taliyaha uu fartiin canaan ah uu ka wado aabihii Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni uu gaarsiin doono labada nin ee isku haysta hogaanka dalka- Farmaajo iyo Rooble.
Sida MOL loo xaqiijiyay dowlada Uganda ayaa walwal ka qabto in is-qabqabsiga u dhaxeeya labada nin ay khatar galinayso ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya. Madaxweyne Museveni ayaa horay u sheegay in uu ciidankiisa kala baxayo Soomaaliya hadii aan xal deg deg ah loo helin khilaafka siyaasadda Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa waardiyeeya ciidamo Uganda ka socda isaga oo aan isku aamini karin ciidanka Soomaaliya. Dowlada Maraykana ayaa ku dhiirigalisay Madaxweyne Museveni  in uu canaanto madaxda Soomaaliya isaga oo isticmaalaya awooda uu ku leeyahay dalka Soomaaliya.
Taliyaha ayaa sidoo kale la filayaa in uu kala hadlo madaxda Soomaalida dadkii ay AMISOM dhawaan ku xasuuqday gobolka Shabeellada Hoose.
Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!