Taliyaha Ciidanka Booliska G/Bari oo ku dhaawacmay dagaal ka dhacay Boosaaso

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya magaalo ganacsiyeedka Puntland ee Boosaaso, ayaa sheegay in uu dhaawacmay Taliyaha Qeybta Booliska gobalka Bari, G/Sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir.

Dhaawaca Taliye Cabdulqaadir Dirir ayaa yimid kadib markii ay is-rasaaseyn ka dhalatay duminta guryo shacab oo ku yaalla agagaarka Dekedda Boosaaso.

Wararka ayaa sheegaya in dhaawaca Taliyaha Qeybta Booliska gobalka Bari uu yahay mid culus, loolana cararay isbitaal ku yaalla Boosaaso. Sidoo kale, Qof shacab ah ayaa ku dhaawacmay is-rasaaseynta Booliska iyo shacabka.

Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Puntland ayaa maalmo kahor amray in la burburiyo guryaha ku dhow Dekedda Boosaaso, oo ay ballaarin ku bilowday shirkadda DP World oo laga leeyahay Imaaraatka Carabta, balse shacabka ayaa ka horyimid, tallaabadaas.