Taliyaha CID ee gobalka Mudug (Puntland) oo ka badbaaday isku-day dil

Reading Time: < 1 minute

Taliska Qeybta Booliska gobalka Mudug ayaa shaaciyay in Taliyaha Ciidanka CID ee gobalka, L/X.le Mahad Cabdi Jaamac uu ka badbaaday isku day la doonayay in lagu khaarajiyo, oo ka dhacay caasimadda Puntland ee Garoowe.

War kooban oo lagu daabacay barta Facebook, ee Taliska Qeybta Booliska gobalka in dilka Taliye Mahad Cabdi ay fulin lahaayeen kooxo hubeysan, uuna ku dhaawacmay mid kamid ah ilaaladiisa.

“L/X/le Mahad Cabdi Jaamac Taliyaha CID gobolka Mudug ayaa Caawa ka badbaadey iskudey dil kadib marki kooxo hubeysan ay kuso warareen magaalada Garowe.”

Warku waxaa uu intaas ku daray “Hase ahaate waa uu ka badbadey waxaana ku dhawacmay mid kamida ilaaladiisa.”