Taliyaha Booliska Somaliland ayaa sheegay in ay Talaabo ay ka qaadeen Sadex alifle Mahad Abdi Osman oo la ruqseeyay maadaama oo uu ruux dumar ah ku gacan qaaday bartamaha magaalada Hargeysa.
Sido kale wuxuu sheegay taliyaha falkaasi iney aad ugu xumaadeen, wuxuuna sheegay Boolisku inuu yahay saaxiibka dadweynaha uusana aqbalaynin ficilada noocan ah ee dadka rayidka lagula dhaqmo.
Muuqal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay askari si arxan daro ah ugu gacan qaadaya qof dumar ah oo aan wali hub wadan iskaba daa bud ama ul xitaa aan sidan ee shacab aheyd.
Sido kale muuqaalka ayaa ka muuqanayay haweeneyda ineysan sameynin fal celin ama iney la dagaalanto askarigaasi garaacida kula dhaqaaqay.