Taliska Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa shaaciyey in la qabtay Askari Boolis ah oo dhibaateeyay qof shacab ah, kaasoo muuqaal duubay song faafiyey Baraha bulshada.
Qoraal ka soo baxay Taliska Booliska ayaa song sheegay in askariga Booliska sharciga la marsiin doono askarigaan falka ka baxsan ciidanka kul kacay qofka Shacabka ah.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya sulub Axmed Firin ayaa go,aamiyay in askarigaasi guud ahaan laga ruqseeyo ciidanka booliska Soomaaliyeed, the loogu baaqsado falal noocaan oo kale oo muwaadin Soomaaliyeed loo geysto.
Falkan qabsaday Baraha bulshada ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska Soobe, agagaarka Hayaat Mall.