Taliyaha Booliska Galmudug iyo saraakiil kale oo lagu amray in ay si deg deg uga baxaan Dhuusamareeb

Reading Time: < 1 minute

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa sheegayo inay Ahlu Sunna Wal-Jameeca soo saartay amar deg deg ah oo ka dhan ah Taliyaal ka tirsan kuwa Galmudug.

Sida aan xogta ku helnay Ahlu Sunna ayaa ku amartay Taliyaha Ciidanka Booliska Galmudug Cabdicasii Yuusuf Dhagabadan inuu isaga baxo Magaalada oo uu soo gaaray Maanta.

Dood dheer iyo isku day lagu doonayey inay Ahlu Sunna go’aankaas kaga laabato ayaa fashilmay, wuxuun taliyaha ugu damgeyn magaalada isaga baxay galab dhicii Maanta.

Sidoo kale Ahlu Sunna ayaa amartay inuu isaga baxo Magaalada Dhuusamareeb Taliyihii hore Ciidanka xooga dalka qeybta 21-aad Korneyl Sulub.

Labada Taliye ee la amray inay Dhuusamareeb si deg deg ah uga baxaan ayaa ugu dambeyntii qaatay amarkaas waxayna gaareen Magaalada Cadaado oo ay markii hore ka imaadeen.

Illaa hadda lama ogo sababta keentay inay Ahlu Sunna amarto inay taliyaashaan isaga baxaan Magaalada Dhuusamareeb oo lagu dhawaaqay inay taalo gogosha Nabadda ee Galmudug isla markaasna ay ka dhici doonto Doorashada.