Taliyaha Ciidanka Amisom oo ka soo horjeestay amar uu bixiyay MW Farmaajo

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne Farmaajo ayaa saakay waxa uu amar ku siiyay Taliyaha Ciidanka AMISOM in uu ciidanka uu kala baxo Villa Hargeysa oo  xafiis iyo deegan u ah Gudoomiyaha Baarlamaanka. Taliyaha Ciidanka AMISOM  Sareeye Gaas,  Jim Owoyesigire ayaa ku gacan seeyray codsiga Madaxweyne Farmaajo. Taliyaha ayaa u sheegay in mas’uuliyadda loo keenay ciidanka AMISOM ay tahay in ay ilaaliyaan difaacana hay’adaha dowlada iyo madaxda dowlada sidaas darteedna ayan marnaba cidlayn karin ilaalinta Gudoomiye Maxamed Mursal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dib waxa uu qadka taleefanka kula hadlay safiirka u fadhiya dowlada Ugadna Soomaliya isaga oo si gaar ah uga codsaday in AMISOM isaga baxdo deegaanka Gudoomiye Mursal ciidanka  taabacsan Farmaajo  ay ula wareegaan guriga Gudoomiye Mursal.

Wararka ka iimanaya xarunta Xalane ayaa sheegayo in safiirka Uganda u fadhiya Somaaliya Janaraal Fred Mugisha isna uu u sheegay in ayan ciidanka Uganda ayan marnaba qayb ka noqon karin xaalada siyaasadeed ee ka jirta dalka Soomaaliya. Waxaana loo sheegay Farmaajo in Uganda u siman tahay shacabka Soomaaliyeed. Farmaajo ayaa rajo badan ka qabay in ciidanka Uganda ay noqon doonaan kuwa uu u adeegsado in kula dagaalo mucaaradka Dowladda.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!