Taliyaha AMISOM oo gaaray magaalada Kismaanyo

Reading Time: < 1 minute

Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM Lt. Gen. Tigabu Yilma Wondimhunegn oo dhowr mar safarkiisa dib u dhigay ayaa isaga  iyo wafdi saraakiil uu hoggaaminayo ka dagay magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka  Jubbland.

Sida MOL horay idinkuugu soo tabisay safarka taliyaha ee Kismaayo ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah oo la filayo in dhowaan doorasho ka dhacdo magaaladaas.

Taliyaha AMISOM ayaa durbadiiba saakay kulamo lgaar ah ka galay  Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyagoo ka wada hadlaya arrimaha ammaanka iyo doorashooyinka.

Labadii asbuuc ee la soo dhaafay ayaa waxa ka jiray magaalada Kismaanyo iska horimaad siyaasadeed iyo mid ciidan oo u dhaxeeya ciidamada Itoobiya iyo Kenya ee ka wadatirsan AMISOM.

Dowlada Itoobiya ayaa lagu eedeeyay in doonayso in ay faragaliso doorashada Jubbaland si doorashada uu ugu guulaysto musharax uu wato Farmaajo.

Shacabka reer Kismaanyo ayaa maanta doonayay in ay ku mudaharaadaan taliyaha AMISOM laakiin hogaanka Jubbaland ayaa ka horyimid qorshahaas.