Taliyaha AMISOM ee Itoobiyaanka oo baajiyay safarkiisii maanta ee Kismaanyo!

Reading Time: < 1 minute

Sida MOL idin soo tabisay shalay waxaa maanta la filyay in u magalaada Kismaanyo safar deg deg ah ku tago taliyaha guud ee ciidanka AMISOM.

Jenaraal Tigabu Y. Wondimhunegn ayaa safarkiisii joojiday daqiiqado ka hor inta aysan diyaaradiisa soo duuulin.  Lama ogo sababta rasmiga ah ee uu u baajiyay safarkiisa Kismaanyo laakiin warar ayaa sheegaya in MW Farmaajo codsaday in uu markale la kulmo inta uusan u safrin magalaada Kismanyo.

Wixii dheeraad ah ee ku soo kordha safarka Jenaraal Tigabu Y. Wondimhunegn gadaal ayaan idinkaga soo sheegi doonaa. Ciidama Itoobiya eek u sagan magaalada Kismaanyo ayaa go’doon ku ah xiradooda ku taala dhabarka danbe ee Jaamcada Kismaanyo.