Taliska Qaybta 21aad oo Ciidan xoogan u diray Dagaalka ka socda Qaybo kamid ah Gobolka Mudug

Reading Time: < 1 minute

Waxa xaalad adag ay kataagantahy weli qaybo kamid ah Gobolka Mudug Kadib Dagaalkii u dhexeeyay labo maleeshiyo beelood oo wada dega qaybo kamid ah Gobolka Mudug oo saacadihii lasoo dhaafay Dadbadan iska Dilay.

Iyada oo arintaa ay jirto ayaa Taliska qeybta 21aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka howlgalla deegaannada Galmudug ayaa waxaa ay Ciidamo farabadan u direen deegaannada lagu dagaalamay ee hoostaga degmada Towfiiq iyo Tuulada Afbarwaaqo ee Gobolka Mudug.

In kastoo xilligaan ay degan tahay xaalada deegaannadii lagu dagaalamay ee Bariga Gobolka Mudug ayaa hadana dadka deegaanadaas waxaa ay sheegeen inay cabsi dareemayaan maadaama maleeshiyaadka ay weli ishor-fadhiyaan.

Dagaalkii shalay markale labada maleeshiyo Beeleed ku dhex-maray duleedka degmada Towfiiq ee Gobolka Mudug ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen in ka badan 20 Ruux.