Taliska NISA ee Gobalka Gedo oo soo bandhigay Dhalinyaro ku howlaneeday falal Amni daro

Reading Time: < 1 minute

Ciidamaa Nabad Sugida Soomaaliya ee kahowlgala Deegaano katirsan Gobolka Gedo ayaa waxa ay soo bandhigeen Dhalinyaro farbadan oo ku eedaysan dembiyo kala duwan.

Dhalinyaradaa lasoo qabtay ayaa waxaa lasheegay in ay qaarkood katirsan yihiin Dagaalamayaasha Al-Shabaab halka qaarna lagu soo qabtay Waxyaabaha Maanka dooriye oo ay iibinayeen.

 

Taliyaha NISA ee Gobolka Gedo Cali Deyr oo Warbaahinta kula hadlay Balad Xaawo ayaa sheegay in howlgal gaar ah oo laga fuliyey Tuulada Hareeri tuure lagu soo qabtay Nin lagu Magacaabo Xareed Muxumed,kaas oo si dhuumaaleysi ah ku joogay Tuuladaas.

Ciidamad NISA ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegeen in sii laba jibaari doonan howgalada lagula dagaamlayo shaqsiyaadka kuhowlan nabdgelyo la,aanta Gobolka.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!