Taliska Ciidanka xooga & AMISOM oo ka wadahadlay la-dagaalanka Al-Shabaab

Reading Time: < 1 minute

Kulankan oo ka Dhacey Gudaha Xarunta Batalyanka 5aad ee Ciidamada Hiil walaal ee Jabuuti ay ku leeyihiin Baladweyn ayaa u dhexeeyay Saraakiisha Taliska Qaybta 21aad iyo Saraakiisha Ciidanka Jabuuti waxaana Diirada lagu saaray Xaaladaha Amni ee Galmudug iyo Hirshabelle iyo Qorshaha Howlgalada lagu xoraynayo Deeganada Al-Shabaab ay ka joogaan Galmudug

Saraakiil Sare oo ka Tirsan Qaybta 21aad oo uu Hugaaminayo Taliyaha Qaybta General C/Casiis C/Laahi “Qooje” ayna WehlinayaanTaliyaha Guutada 13aad G/Le Craxmaan Moalim “Timadheere” , Taliyaha Guutada 15aad General Mascuud Maxamed iyo Taliyaha Ururka 21aad ee Danab G/Le Muqtaar Abdulle ayaa saraakiisha Amisom ee Jabuuti kaga Warbixiyay Ujeedada socdaalkooda iyo Howsha ciidanka qaybta 21aad ey ka wadaan Deegaanada Galmudug ee Bilaawga u ah Qorshaha Dagaal ee lagu Wajahayo Deeganada Al-Shabaab ay joogaan

Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Riyaale Xareed taliyaha Batalyanka shanaad ee Hiil walaal ayaa Boqashada saraakiisha 21aad ee baladweyn ku tilmaamey Arin Bilaaw u ah Isku xirka Ciidanka iyo ka abaal gudida soo dhoweyntii 21aad ay u sameysay Ciidanka jabuuti ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb

Ciidamadan ayaa Qayb ka noqonaya Howlgal ballaaran oo dhowaan lagu Wajahayo Deeganada Shabaab ka joogaan Galmudug Iyo Hirshabelle,waxaana Bilaabanaya Qorshaha isku Xirka Qaybaha Xoogga Dalka kaa oo Saldhig u ah Nidaamka Ciidan ee Fududeynaya in la Fuliyo Howlgalo Dhameys tiran.