Taliska Ciidanka Somaliland oo sheegay in saakay iyaga la soo weeraray

Reading Time: < 1 minute
Qoraal saakay ka soo baxay Taliska Ciidanka “Somaliland” ayaa sidaan u qornaa:
Waxaa saaka fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood weerar ku soo qaaday kooxihii argagixida ee dagaalka ka wada magaalada Laascaanood, ciidamada Qaranka JSL wey iska difaaceen waxa aanay ku sugan yihiin xeryohoodii oo difaac kaga jiraan.
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xalay ku dhawaaqday xabad joojin aan shuruud lahayn, halka isla saakaba ay kooxihii argagixisada ahaa ay weerar soo qaadeen si aanay u dhaqan gelin Xabad joojintu.
Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar walba diyaar u yihiin amarka dawladoodu farto.