Ciidamadda Milatarigga Dalka Mareeykanka ayaa waxaa ay sheegeen in Weerar duqeeyn ah oo ay ka fuliyeen gobolka sh/hoose ineey ku qaarijiyeen dagaalamayaal ka tirsan Xarakadda Al-shabaab.
Taliska Ciidamadda Mareeykanku waxaa ay sheegeen in ay horay u fuliyeen 14-weerar oo nuucaan oo kale ah kuwaasi oo lala beegsaday Xarakadda Al-shabaab oo Xariir hoose la leh Al-qaacida,waxeeyna weeraradu ka dhaceen deegaano dhinaca miyiga ah.
Duqeeymaha lala eeganaayo Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sii xoogeeystay tan iyo markii Madaxweynaha Mareeykanka Trump uu ogolaaday howlagalo milatari oo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab in ay fulin karaan Ciidamadda Mareeykanka,ka dib Weerarkii 14-kii bishii October 2017 Ka dhacay Magaalada Muqdisho kaasi oo ay ku geeryoodeen dad gaaraya 500 oo ruux.
Warsaxaafadeedka kazoo baxay taliska Ciidamada Mareeykanka ayaa lagu sheegay in weerarka oo dhacay Arbacadii aysan wax qasaaro ah kazoo gaarin dad shacab ah islamarkaana taas ay si weeyn uga baaqsadeen,Mareeykanka ayaa dhowr jeer duqeeymo aan loo meel dayin waxaaa uu ka geeystay Gudaha Soomaaliya gaar ahaan Goboladda Koonfureed.
Dowladda Soomaaliya ayaa Horay uga gaabsatay in ay ka hadasho weerarada qorsheeysan oo ay Ciidamada Mareeykanku ka geeysanayaan Gudaha Soomaaliya,waxaana inta badan la tuhmaa in weeraradaasi waxyeelo ay kazoo gaarto dad shacab ah oo beeraleey u badan