Taliska Booliska Soomaalila oo wacad kumaray in lasoo qaban doono cidii Dishay Almaas Elman

Reading Time: < 1 minute

Shalay gelinkii dambe ayeey marlii Almaas Elman lagu dhexe toogay Xerada Xalane Ee Magaalada Muqdisho xili ay saarneed Gaari toogsahadaa kadib waxaa soo baxayay war kala duwan oo arintaa kusaabsan waxaana ilaa iyo hada si rasmi ah loo ogayn cida Dilkaa fulisay.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in Booliska Soomaaliya gaar ahaan laanta Dambi baarista ee CID-da laga  furay Gal-dacwadeed ku saabsan dilkaas,isla markaana ay bilaabeen baaritaanka sida dilka uu u dhacay iyo dadkii ka dambeeyey.

Marka laga soo tago hadalka taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed horay ayaa Magaalada muqdisho waxaa loogu dilay dad xilal muhiim ah ka haayay Dowladda oo uu kamid ahaa Guddooomiyihii Gobolka Banaadir Eng, Cabdiraxmaan Yariisow,hayeeshee aysan jirin dad loo maxkamadeeyey.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!