Taliska Booliska oo Ka Hadlay Dilka Loo Geystay Almaas Elman

Reading Time: < 1 minute

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dilkii shalay magaaladda muqdisho loogu geystay Almaas Elman.

General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), Taliyaha Ciidanka Booliska Somaaliya oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Muqdisho ayaa  ugu horeyntii Fariin tacsi ah u direy qoyskii ay ka baxday Almaas.

Taliyaha Xijaar ayaa sheegay in Laanta Dembi Baarista CID ay furtay gal dacwadeed lagu baarayo dilkan, isagoo intaa ku daraya in Saraakiil aqoon u leh dilalka ceynkani oo kala ah ay baaritaanka ka qayb qaadanayan.

Ugu dambeyntii Taliyaha ayaa sheegay in Natiijadda kasoo baxda Baaritaanka ay usoo bandhigi doonaan Shacabka Soomaaliyeed.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!