Taliska Booliska oo ka Been-sheegay Ruux ay Maanta Ku Dileen Magaaladda Muqdisho Iyo Ehaladiisa oo hadlay!!

Reading Time: < 1 minute

Ehelka Marxuum Mukhtaar Ciribey Maxamed oo saaka Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay ku dileen degmada Howlwadaag ayaa beeniyay in wiilkoodu ahaa tuug dadka dhaca.

Cabdullahi Ciribey Maxamed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in walaalkiis uu ka soo baxay xaafadda Korontada ee Degmada Wadajir,kuna socday xaafadda Jamhuuriya ee Degmada Karaan.

C/llahi ayaa sheegay in walaalkiis Mukhtaar uu ahaa sarkaal ka tirsan Ciidanka xoogga dalka sidoo kalena ah taliyaha ilaalada Guriga Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale.

C/llahi waxaa uu Warbaahinta u sheegay in walaalkiis markii la dilayay nin dhar cad ah oo Baskoolad wata uu ku joojiyay agagaarka Isgoyska Black Sea qeybta Howlwadaag,kuna amray in uu hubka dhiibo.

Askariga ayuu sheegay in uu ka shakiyay ninka dharcadka ah sidaasna ku dhintay walaalkiis,isaga oo codsaday in dowladda ay arrintaas wax ka qabato.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!