Taliska AFRICOM oo War Ka So Saaray In ASkari Loga Dilay Soomaaliya

Reading Time: < 1 minute

Taliska Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) ayaa waxa ay beeniyeen in Askari Mareykan ah looga dilay weerar 19-kii bishan ka dhacay meel ku dhow degaanka Buulo-guduud oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Kooxda Al-shabaab ayaa shalay waxa ay sheegeen Dagaal ay la galeen Ciidamada Dowladda Federaalka ,Ciidamada AMISOM iyo kuwa cadaanka Mareykanka in ay ku dileen Askari Mareykan ah iyo Afar Ciidanka AMISOM ah.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay inaanay jirin warkan ka soo baxay Shabaab, ayna bad qabaan dhammaan Ciidamada Mareykanka gaar ahaan kuwa ku sugan degaanada Jubbaland.

Afhayeen u hadlay Taliska Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) oo lagu magacaabo Samantha Reho ayaa u sheegay Wakaaladda Xinhua: “Waxaan ka warqabnaa warbixinta iyo Dagaalka dhacay, laakiin waa khalad oo waa been in khasaare uu ina soo gaaray.

Afayahenka aya sheegay in ay weeraro ka geystaan saldhigyo Shabaab ay leeyihiin, ayna sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan Ciidamada Dowladda Federaalka, si Shabaab looga guuleysto.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!