Tagitaanka MW Deni ee Boosaaso maxay ku soo kordhin doontaa xaalada magaaladaas?

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne Deni, ayaa maanta tagaya magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, tan iyo markii bishii December ee sanadkii tagay uu dagaal socday saddex maalmood uu ka dhacay Boosaaso.

Ciidammo fara-badan oo kamid ah kuwa Madaxtooyada Puntland iyo wafti horudhac ah ayaa gaaray magaalada Boosaaso maalmihii lasoo dhaafay, kuwaas oo u gogal xaarayay socdaalka Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Siciid Deni ayaa Boosaaso u tagi doona arrimaha doorashada 16 kursi ee kamidka ah Golaha Shacabka BJFS, kuwaas oo uu doonayo inay kusoo baxaan dad taabacsan.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland uusan xal u raadinayn xiisada PSF Puntland, ee ka dhalatay xil ka qaadistii uu ku sameeyay Agaasimihii Hay’adda Ciidanka PSF Maxamuud Cismaan Diyaano, iyo gadoodka Isimmada gobalka Bari.