RW Xassan Cali Kheyre ayaa waxa ka go’an in Abwaanadda Maryan Maxamed Jimcaale oo loo yaqaano (Maryan Jaceyl) oo ay isku beel yihiin uu ku fariisiyo kurisaga Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Somaliyeed. RW Kheyre oo aan shaqsi aan ka xishoonin qabiileysiga iyo musuqmaasuqa ayaa ugu yaboohay lacag aan la shaacinin cadadkeeda ololaha Abwaanadda Maryan Jaceyl. Madaama RW Kheyre uusan lahayd awood uu ku magacaabo Gudomiyaha Haweenka Qaranka oo inta badan ku timaado doorasho ayaa waxa uu go’aansaday in u si dadban u taageero Maryan Jaceyl.
Ujeedada magacaabida Maryan Jaceyl ayaa salka ku haysa doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo sanadka 2021. RW Kheyre oo ku jiro diyaar garowga doorashadda la filaayo in ay dhacdo dalka horaanka sandaka 2021 ayaa doonayo in uu dad ka soo jeeda beeshiisa uu ku meeleeyo ilaha muhimka u ah shacabka Somaliyeed. Ururka Haweeynka Qaranka waxaa hadda Gudoomiye ka ah Batuulo Shiikh Axmad Gabale oo sheegtay in ay diyaar u tahay in ay ka qayb gasho doorasho xalaal ah oo uusan lug ku lahayn RW Kheyre.
RW Kheyre ayaa u sheegay qaar ka mida beesha Murusade in hadii Maryan Jaceyl ay noqoto Gudoomiyaha Ururk Haweenka Qaranka ay kaalin door leh ku yeelan doonto doorshadiisa sanadka 2021. Waxa uu yiri “Walasheey Maryan waa qof ku fiican ololeynta, waa abwaanad cod kar ah, Ingiriiska ayaan wada daganayn in mu do ah, xaqiiqdiina waa shaqsi caqli badan” waxa uu intaas ku daray “waxaan hubaa in walaaasheey shaqo fiican ka qabanayso Muqadishu gaar ahaan Ururka Haweenka Qaranka , isla markaana isku dabaridi doonto haweenka oo aniga hadda aad ii jecel”.
Ma aha markii ugu horeeyso oo uu RW Kheyre u magacaabo ilaha muhimka u ah dadka ku dhaqan Gobolka Banadir qaar ka mida beeshiisa. Waxa hadda si aan toos ahayn uu u maamulaa dhaqaalaha iyo Siyaasadda Gobolka Banadir. Gudoomiyaha rasmiga ah ee Gobolka Banadir waa Gudoomiye Ku Xigeenka dhanka Maaliyadda oo ah nin ay isku beel yihiin RW Kheyre kaas oo si toos ahna uga amar qaato RW Kheyre halka Gudoomiye Eng. Yarisow uu yahay magac u yaal.
Si loo xaqiijiyo guusha Maryan Jaceyl ayaa waxaa RW Kheyre waxa uu qandaraas ku siiyay Wariye Cawil Dahir Salaad in uu kala shaqeeyo Maryan Jeceyl dhanka abaabulka, propogandada. Waxaana dhawaan ka bilaaban Telefishinka Universal TV Barnaamijyo dacaayado loogu sameeynayo Maryan Jaceyl.