Tagaasida ka shaqeeysa magalaada Boosaaso oo shaqa-joojin sameeyay

Reading Time: < 1 minute

Wadayaasha baabuurta tagaasida ee ka shaqeeya Boosaso ayaa saaka shaqo joojin sameeyay. Qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ka cabanayaan shidaalka oo qaaliyoobay iyo khidmad lacageed oo ay ka qaaddo shirkadda Dhaweeye.

Wadayaasha ayaa sheegay in ay shaqa-joojinta sii wadayaan inta laga xallinayo cabashada ay ka qabaan shirkadda Dhaweeye. Ma aha markii u horeeysay oo ay tagaasilayda ay sameeyeen shaqo joojin horay ayaa tilaabo noocaan ah u qaadeen.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!