Tababaraha xulka qaranka Nuur oo ka hadlay qaladaadkii keenay guuldarada

Reading Time: < 1 minute

Tababaraha xulka qaranka Soomaaliya Nuur Maxamed Amiin ayaa ka hadlay qaladaadkii keenay in guuldaradii ka soo gaartay ciyaartii furitaanka koobka qaramada Afrika ee TotalEnergies U17 (AFCON), iyagoo looga badiyay 2-0 oo ay uga badisay xulka Algeria oo marti galinayay habeenkii sabtida garoonka Nelson Mandela Stadium ee magaalada Algiers.

Goolal ay dhaliyeen labada qeybood ee ciyaarta socotay waxaa u dhaliyay kabtanka kooxda Moslem Anatouf Algeria. Xulka Soomaalita  ayaa lagu dhaleeceyay guuldaradii ugu horeysay ee ka soo gaartay kulankoodii ugu horeeyay abid ee kubada cagta qaarada Afrika.

“Waxaan rabnay inaan ka badino kulanka furitaanka ee Algeria, laakiin kubada cagta waa ciyaar leh seddex natiijo, guul, guul daro ama barbar dhac”  Ayuu yiri Tababare Nuur.

“Waxaan aragnay qaladaad qaar oo aan isku dayi doono inaan saxno kulanka soo socda, iskuna dayno inaan badino, hamigeenu waa inaan guul ka gaarno ciyaarta soo socota,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay tababaraha ciyaarta kadib.

Nuur waxa uu sidoo kale sheegay in ciyaartoydiisa aysan helin waqti dheer oo ay si wadajir ah u tababbaraan ay door ku lahayd guuldarradii soo gaartay, balse wuxuu sheegay in ay isku tashadaan sidii ay maalmuhu u socon lahaayeen.

“Dhammaan ciyaartoydeenu waa arday, waxaana ka soo xulnay tartamada dugsiyada, ma aysan helin fursad ay ku ciyaaraan kulamo saaxiibtinimo oo badan, waxaana kaliya ku wada jirnay muddo seddex bilood ah oo aan isku diyaarinayno,” ayuu yiri tababaraha.

Ciyaarta soo socota ee Soomaaliya waxay la ciyaari doontaa Congo Talaadada soo socota, waxaana guuldarro kale ay dhabar jab ku noqon doontaa rajadooda u soo bixidda siddeed dhammaadka.