Shir uu soo qaban qaabiyay gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa maanta lagu qabtay Muqdishu Guest House. Kulankaan ayaa waxaa ka soo qayb galay qaar ka mida oday dhaqameedka reer Muqadishu.
Taabid Cabdi Maxamed oo la kulmay odoyaasha dhaqanka ka hor Inta uusan shirka furmid ayaa u sheegay odoyaasha in Madaxweyne Farmaajo doonayo in uu Muqadisho laga xukumo Garowe. Waxa uu yiri “ idinka ayaa la idinka rabaa in aad u sheegtaa Farmaajo in qorshahiisa ah in Muqadishu laga Xukumo Garowe ayan marnaba shaqeynin lana aqbalaynin”
Taabid oo caro ka muuqato ayaa ku daray hadalkiisa“Muqodishu Hawiye ayaa iska leh, Daarood na ga’aan kama gaari karo maqaalka Muqadishu”
Hadalka ka soo yeeray Taabid ayaa dhiilo colaad qabiil abuuraya. Oday ka mida odayaasha shirka ka qayb galay ayaa yiri “Taabid Waxa ku hadlay maanta dan Soomaaliyeed iyo mid qabiilba kuma jirto, waxaana uu doonayaa in dagaal qabiil uu ka abuuro Muqadishu”
Taabid oo markii hore watay shaati Soomaalinimo ayaa hadda u xuubsiibtay mid qabiil, Waxa uuna la soo baxay wajigiisa runta ah.