Taabid Cabdi oo u Tuugsi Tagaya  Jaaliyadaha Soomaaliyeed  Ee Ku Nool Qaar ka mid ah Dalalka Yurub iyo America!!

Reading Time: < 1 minute

Gudoomiyahii Hore Ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa lagusoo waramayaa in uu lacago ka doontay Dalalka Yurub iyo America,asigoo bulshada soomaaliyeed ee dalalkaasi ku nool ka doonaya Lacago uu ku xoojiyo siyaasadiisa.

Taabid cabdi Maxamed ayaa waxaa uu hada bilaabay qorshe la mid ah kii Farmaajo u bixiyay qaaraan qaran islamarkaana uu ku indho-sarcaadinaayay Sanadhii 2015-2016 kolkaasi oo uu damacsanaa in uu musharaxnimadiisa ku dhawaaqo.

Xog hoose oo ay Heshay MUQDISHO ONLINE ayaa waxaa ay sheegeeysaa in Dalka Mareeykanka  uu ku wajahan-yahay islamarkaana uu raadinaayo shaqsiyaadkii  barnaamijkaasi u fulin lahaa.

Qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee ku Nool dalka mareeykanka gaar ahaan qaarkood ayuu u balan-qaaday in hadii ay xafladaasi qaban-qaabiyaan lacagaha uu ka helo qeeyb uu ka siin-doono.

Taabid cabdi Maxamed ayaa waxaa la ogsoon yahay in uu dhaqaalle badan ka aruursaday Gobolka Banaadir xiligii uu ahaa gudoomiyaha gobolka,waxaana lala yaaban yahay sababta uu hada bulshada soomaaliyeed ugusoo laabtay asigoo aruursaday dhaqaalahoodii