Suuqa Weyn ee Bakaaraha oo Maalintii Labaad Xiran

Reading Time: < 1 minute

Waxaa maalinti labaad xeran sakay suuqa weyn ee bakaaro oo ganacsatadu gadood canshuurta Iibka ah ay diidanyihiin awgeed ah u xereeen maalinti shalay ahayd.

Canshuurta iibka waa canshuur loogu talo galay in laga qaado iibka badeecooyinka marka laga reebo raashiinka , waxaana wasaarada maaliyada ay dooneysaa in canshuurta la qaado xiliga ay ganacsatadu badeecada ka qaadanayaan dekada Muqdisho taasi oo keentay in maalmo aaney dekadu shaqeyn shalay iyo saakayna xernaado suuqa weyn ee bakaaro.

Qaar kamid ah dadka degankan ayaa sheegaya in aysan wax dhaqdhaqaq ah oo suqa ka socda sido kale waxa uu ino shegay in qeybaha suuqa ee raashiinka , iyo bagaashka nuucyadiisa kale ayaa dhamaan xeranyihin waxaana jira gudi ganacsatada kamid ahi oo shalay iyo saakay ku jira kormeerka dhaqan galka go’aanadooda ee ku aadan xernaanshiyaha dhamaan xarumaha ganacsi ee suuqa.

Saameynta ay shaqo la’aanta bakaaraha ku leedahay danyarta ka xamaalata ayaa sii kordheysa maadaama maanta ay tahay maalinti labaad waxaana laga dhowr sugayaa sida uu ku so afjarmi doono khilaafka hakadka keenay ee u dhaxeya ganacsatada iyo wasaarada maaliyada.