Suuqa Gubadley oo la xiray ka dib markii canshuur dheeri ah lagu soo rogay

Reading Time: < 1 minute

Waxaa maanta gabi ahaabna xiran Goobaha Ganacsiga Suuqa Gubadley kadib markii Maamulka Deegaankaas uu Ganacsatada ku sameeyay canshuur kordhin. Maamulka ayaa Ganacsatada horay uga qaadi jiray lacag dhan $10 (Toban Doollar) waxaana la gaarsiiyay $15 (Toban & Shan Doollar) sida uu Mustaqbal u sheegay qof kamid ah Dadka ku Ganacasada Suuqa Xaafaddaas.

“Suuqa Gubadley waxa uu u xiran yahay canshuur kordhin Ganacsatada lagu sameeyay mana awoodaan in ay bixiyaan sabab la xiriirta dhaq-dhaqaaqa badeecadaha, waxa ay u badan yihiin Carwooyin, Miisaska Khudaarta, Dukaamo yaryar, Makiinadaha Saliidda & Cajiinka” Sidaasi waxaa yiri qof kamid ah Ganacsatada Suuqa Gubadley.

Hogaanka iyo Maamulka Gubadley kama uusan hadlin cabashada keentay in albaabada la isugu dhuftay Goobaha Ganacsiga ee Deegaankaas kadib markii Dadka ku ganacsada ay sheegeen in lagu soo rogay lacag aysan awoodin bixinteeda.