Suudaan oo laga cabsi qabo ay ka dhacaan qalalaase culus

Reading Time: < 1 minute

Booliska dalka Suudaan ayaa qiiqa dadka ka ilmeysiiyo u adeegsaday in ay ku kala eryaan dad dhigayay dibadbaxyo rabshada wata oo ka dhan ah dowladda, rabshadahaasi oo ku faafay inta badan magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi.

Boqolaal qof oo dibadbaxyo dhigaya ayaa shalay oo Axad ahayd xiray waddo weyn oo gasha garoon kuwa kubadda cagta ah, ka hor inta aysan isku dhicin dadkaasi iyo ciidamada booliska ee ka hortagga rabshadaha.

Siyaasiinta mucaaradka ayaa sheegaya in 22 qof ay dhinteen tan iyo markii ay muddaharaadyadu billowdeen maalintii arbacada ahayd ee la soo dhaafay, balse saraakiisha dowladda ayaa sheegaya in tiradu ay intaasi aad uga yar tahay.

Dibadbaxyada ayaa ka dhashay sara-kac ku yimid qiimaha rootiga iyo shidaalka.