Sunta Khatarta ah ee Markuriga la isku Caddeeyo oo Somalida ku dhex Faaftay.

Reading Time: 3 minutes

Haweeneydan oo Soomaali ah ayaa la xiriirtay khubarada sunta ah markii ay bilowday inay la kulanto astaamo aan la garan karin oo ay ka mid yihiin hurdo la’aan, luga xanuun, muruqyada oo daciif noqday, daal iyo inay  si tartiib tartiib ah oo lumista arageeda.

Takhaatiirta Caadiga wey awoodi waayay inay ogaadaan, kadibna waxay haweeneyda u gudbiyeen koox dhakhaatiirta sunta qaabilsan oo uu madax yahay Dr Erin Batdorff oo leh Aqoonta Xakamaynta Sunta ee Minnesota ee dalka Mareykanka.

Dhakhaatiirtu waxay dhawaaq xoog leh ka muujiyeen biraha sunta ah ee ku dhex dhuunta kiriimooyinka la isku qurxiyo oo ay muddoyinkaan dambe rag iyo dumarba isticmaalaan, haba ugu badnaadeen kuwa la iscu caddeeyo iyo kuwa la isku qurxiyo ee Make-ups loo yaqaanno.

Tijaabo lagu sameeyay  hooyadaan Somaliyeed iyo booqasho guri loogu tagay ee 2022 ayaa lagu ogaaday in heerka meerkuriga dhiigga ee haweeneyda uu kor u kacay ilaa 46.6 micrograms/litir, in ka badan sagaal jeer heerka caadiga ah (5mcg/L).

Waxaa caddaatay xilligaas in hooyada ay la ildaran tahay sumowga meerkuriga – laakiin baaritaanno dheeraad ah ayaa lagu ogaaday in ay sidoo kale si aan ku talagal ahayn halis galisay qoyskeeda.

Heerarka sare ee birta culus oo ah  ayaa sidoo kale lagu arkay gurigeeda, taasoo ay u badan tahay in ay ugu wacan tahay cadadka ku haray mashiinka dharka ee qoyska ka dib markii haweeneydu dharkeeda dhaqday. Heavy Metal waa curiye kasta oo kiimiko macdan ah oo leh cufnaan ilaa xad sare leh oo sun ah ama sumaysan.

Maamulka caafimaadka dadwaynaha ayaa sidoo kale ogaaday in qolalka carruurta ay ku badan yihiin si aan caadi ahayn. Carruurta laftoodu waxa jidhkooda ku jiray heerar sare oo meerkuri ah.

Haddaba waa maxay Kareemooyinka la isticmaalo ee keeni kara dhibaatooyinkan?

Waaxda caafimaadka ee gobolka Minnesota ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay dhowr waxyaabood oo khater ah oo ay ka mid yihiin kareemka lagu sameeyo Kuuriya ee Glutatione Cream White & Bright iyo kareemka Meyyong Seaweed Super Whitening ee laga keenay Thailand. Dalkeenna waxaa joogto u soo gala kuwa ka khatersan oo ay marnaba laga warqabin.

Guud ahaan marka aynu u soo noqonno dalkeenna maanta waxyaabha la isku caddeeyo aad ayaa loo isticmaalaa, waana khater weyn oo guud ahaan dalka, gaar ahaan dumarka iyo ragga isticmaalaa iyo ehelkooda ku soo socota. Waxaa laga yaabaa maadaama dalka aynsan jirin baaritaanno digniin hore bixin karaa in dhibaatada la ogaaado mar aan waxba laga qaban Karin oo dhimasho ay qarka u saaran yihiin dad badan.

Runtii waa wax cabsi leh marka adigoo da’a yar aad araggaaga ku lumiso wax aad gacantaada ku keensatay amaba aad nolshaba ku weyso.

Dowladda Somaliya, wasaaradda Caafimaadka  waxaa laga rabaa:

  1. Dalka iyadaa dowlad u ah waqtigaan waa inay dalka ka joojisaa dhamaan daawooyinka, kariimooyinka, iyo waxyaabaha bulshada dhibaatada u keenaya ee dalka loo soo dhofiyo.
  2. Wasaaradda Caafimaadka waa inay sharciyo ka soo saartaa waxyaabahan iyo cidda dalka soo gelisaa inay dadka Somaliyeed khater ku tahay .
  3. Boliiska waa in loo awoodsiiyaa inay u dhacaan goobaha lagu sameeyo, lagu marsado iyo cidda marisa oo tallaabooyin adag laga qaado.
  4. Culimda, dhakhaatiirta , saxaafaadda waddaniga ah iyo Aqoonyahannada waa inay dadka ka baraarujiyaan dhibaatooyinkan inta aaney saf mar noqon.

Xataa uma baahna Sharci cusub waxaa jira shuruuc dhowr ah oo lagu qaadi karo ciddii lagu arkaa iyadoo isticmaaleysa, ka ganacsaneysa ama sii fidineysa suntan waayo waa khatar dad badan soo ridaneysa muddo aan dheereyn.

Wasaaradda Caafimaadka waxaan ku baraarujineynaa inay hortabinteeda ku darto ciribtirka suntan dalka iyo sinjiga Somaliga ah si baahsan ugu fidday gudaha iyo dibadda dalka.

Qofka Somaliga ha kala doorto qurux mala awaal ah, caddaan aan loo dhalan iyo Caafimaad inuu ku noolaaado.