Suldaanka guud ee beelaha Somaliland iyo wafti uu hogaaminayo ayaa caawa ka baxay magaalada Hargeysa iyga oo ku sii jeeda magalada laascaanood, si ay u xaliyaan dagaalka halkaas ka jira.
Suldaan Daa’uud, Suldaan Maxamed, Suldaan Cabdiqaadir ayaa waxa la socda Salaadiin ka tirsan salaadiinta reer Soomaaliland. Wali ma cada in Salaadiinta iyo hogaanka SSC ay soo dhaweyn doonaan imaasha Wafdiga ka socda Somaliland.
Warar hordhaca ayaa sheegaya in qaybo kamida xaafadaha magaalada Laascaanood ay dhaliyaro isabaabushay doonayaa inay sameeyaan mudaharaad looga soo horjeedo imaashaha Salaadiinta Somaliland.
Dhanka kale walwal xooggan ayaa jira cida sugaysa amaanka Salaadiintaas.? Gaar ahaan dadka carreysan, walibana hubeysan ay bartilmaameedsadaan wafdiga iyaga oo ku sugan Laascaanod.