Muqtaar Rooboow Cali abuu-mansuur oo ahaa Hogaamiye ku xigeenkii hore ee kooxda Al-shabaab islamarkaana hada u xiran dowlada federaalka ah ayaa la rumeeysan yahay in xarigiisa uu yahay mid aan sharci aheeyn maadaama uu isi soo dhiibay.
Suldaan shariif Cali Xassan oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Dowlada federaalka ah aysan aqoonsaneeynin odayaasha islamarkaana Farmaajo uu sheeganaayoa awood ciidan.
Madaxweynaha Maamulka k/galbeed cabdi casiis Lafta-gareen ayuu ku eedeeyay in uu yahay jeeb ku jiraha Madaxweyne Farmaajo islamarkaana aanu qaadan karin go’aan kaligiis ah.
Sidoo kale waxaa uu Carabka ku dhuftay in Sii deeyn Muqtaar rooboow uusan rabin Farmaajo taasna ay sababtay in Lafta-gareen lagu amray in uusan ka hadlin arrimahaas.