Suldaan Seed “gudiga kheyre soo dirsaday hadal qalad ah bay naga faafiyeen”

Reading Time: < 1 minute

Suldaanka beesh Sacad Suldaan Cabdinasir Jaamac Seed ayaa caawa ka sheegay magaalada Gaakacyo in warkii maanta lagu faafiyay warbaahinta  ee ahaa in aan Dhuusamareeb tagayno uusan sida loo sheegay ahaynin.

Suldaanka ayaa yirj “Anaga gudiga waan qaabilnay, waxaana naga soo codsaday in aan qaabilno xildhibaano ay ku jirto Ubax Tahliiloo nagu adkeeyay in aan la kulano gudiga, si fiican ayaana ula kulanay”

Suldaanka ayaa ku daray “ gudiga waxa aan u sheegnay in beesha Sacad ay tageerayso Goglaha Nabadda oo dadka la isugu soo dhawaynayo laakiin marnaba kuma aanan ogolaanin in aan tagno xiligaan Dhuusamreeb”

Suldaanka oo aad uga carooday sida foosha xun  ee gudiga uu soo diray  Xasan Khyere u fasirteen soo dhawayntii iyo qalbiwanaagii reer Gaalkacyo ayuu ku tilmaanay wax laga xumaado in lagu been abuurto.

24 waraaq oo casuumadood oo uu gacanta ku hayay Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa lagu wareejiyay suldaabka laakiin taas macnaheedu an ahay in ay ogolaadeen in at tagaan.

Suldaanka ayaa sheegay in waraaqaha lo dhiibay la gayn doono magaalada Hobyo oo shirka beesha Habargedir ka socdo taas oo macnaheedu yahay cid ka socoto beesha Sacd oo tagaysa Dhuusamareeb ma jiri doonto.

Waxaa yaab ku noqotay hogaanka beesha Sacad in Gudiga Kheyre ay qoraal u qaybiyaan shaqsiyaad lacag la siiyay si loo kala qaybiyo Beesha Sacad. Shirka ka socda Hobyo waxaa hogaanka u haya beesha Sacad marnaba macquul ma aha in kii Hobyo la joojiyo oo bee Shi Tagati kii Dhuusamareeb.

Dhanka  kale Xasan Kheyre ayaa  looga bartay in uu Beel kastaa ka soo qorto dad uu isticmaao danaihiisa gaarka ah, waxaana muuqata in uu doonayo in uu Dhuusamareeb isugu keeni ergo been abuur ah oo uu doonayo in uu ku daneeysto.