Waxaa caawa lagu dilay magaalada Kismaanyo Alaha u naxariisto Suldaan Rashiid Dhure oo ah Suldaanka beesha Gaaljecel.
Waxaa ka sheegyaa in dableey hubeysan ay ku dhaawaceen Suldaan Rashiid Dhure oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Jubaland.
Nabadoonka ayaa la xaqiijiyay in weerarkaasi uu ka soo gaaray dhaawac culus oo u dhintay daqiiqado ka hor.
Falka dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Calanleey gaar ahaan wadada Afmadoow , Waxaana goobta ka baxsaday kooxdii weerarka geysatay.
Ciidamada ammanka Kismaayo ayaa goobta falka uu ka dhacay gaaray walina gacanta laguma dhigin dadkii ka danbeeyay ficilkaas.