Sudan oo ka biyo diiday saxiixa hishiiska biyaha Nile oo ay Ethiopia uso bandhigtay

Reading Time: < 1 minute

Tirinta maalmaha uga harsan xafiiska Madaxweynaha Maxamed Farmaajo.

Ethiopia oo  usoo jeedisay in Sudan ay saxiixdo hishiis hordhac ah oo lagu buuxinayo biyo xireenka Nile balse Dowlada Suudaan waa ay diiday saxiixa Hishiiskaas . balse raisal Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed wuxuu dhigiisa ku booriyay Hamdok inuu hishiiska saxiixo.

Raisal Wasaare Abdalla Hamdok oo ka hadlay Saxiixa Hishiiska ayaa yiri.

“Ma aqbali karo in aan saxiixo heshiiska qabyo qoraalka ah wajigiisa koowaad, sababtoo ah waxaa ku jira dhibaatooyin farsamo iyo kuwo sharci kuwaas oo ay tahay in la saxo,”

Dowladaha Masar & Suudan ayaa dareen ka muujiyay Biya xireenka Nile maadama ay ku noolyihiin biyaha Nile Xoola dhaqatada & beeraleeda wadamada Sudan & Masar .

Hamed Saalax, oo Sudan u qaabilsan wadaxaajoodka biyo-xireenka ee uu fududeeyay Maraykanka ayaa sheegay in “inta badan arrintu ay isku xirantahay… lamana kala saari karo saameynta deegaanka iyo midda bulshada ee mustaqbalka fog.”

Xiisadda ka dhalatay Nile ayaa cirka isku shareertay wixii ka dambeeyay markii Ethiopia ay biyo xireenka jeexday 2011-kii.

Addis Ababa waxaa ay sheegeysaa in biyo xireenku ay muhiim u tahay dhaqaalaheeda, Masarna waxaa ay ka baqaysaa in ay weyn doonto inta badan biyaheeda oo ay ka hesho wabiga Nile.

Sudan waxaa ay rajeyneysaa in webiga ay ka heli doonto koronto ay aad ugu baahan tahay islamarkaana ay xakamayn doonto qul-qulka biyaha.

Waaxda Maaliyadda ee Maraykanka iyo Bangiga Aduunka ayaa sanadkii lasoo dhaafay u dhaqaaqay in ay fududeeyaan wada-hadllada u dhaxeeya sedaxda waddan kadib markii ay ku guul dareysteen wada-hadallo dhex maray.

“Wadada kaliya ee lagu gaari karo heshiis dhameys tiran waa dhammaan qaybaha oo ku laabta miiska wada hadallada,” ayuu hadalkiisa ku daray Hamok.

Webiga Nile oo dherarkiisu dhanyahay 6,600 km waxaa uu halbol u yahay biya iyo korontada 10 wadan ee uu maro.